R/Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u safray Imaaraadka Carabta

1019

Muqdisho (UM) – Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa galabta u ambabaxeen dalka Isu taga Imaaraadka Carabta.

Wafdiga Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa  waxaa ku wehliya xubno ka tirsan Golahiisa Wasiiradda.

R/Wasaaraha ayaa la filayaa inuu la kulmi doono madaxda dowladda Imaaraadka Carabta, inkastoo oo aan la ogayn waxyaabaha ay ka wadahadli doonaan.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Imaaraadka iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaan wanaagsanayn.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sanadkii hore go’aan dhexdhexaadnimo ka qaadatay khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Xulafada Sacuudiga oo ay ku jirto Imaaraadku iyo dowladda Qatar.