R/Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo Sudan u ambabaxay

727

Muqdisho (UM) – Raisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay u ambabaxay magaalada Khartoum ee dalka Sudan.

Wafdiga Ra’iisul wasaare Kheyre waxaa garoonka Aadan Cadde ee M/ Muqdisho ku sii sagootiyay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda federaalka ah ee Soomaliya.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dalkaasi uga qeyb gali doono shirka nabadeynta dalka Koofurta Sudan, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow xafiiskiisa.

Safarkan oo horay loo sii shaaciyay ayaa waxaa la filayay in uu u ambabaxo Madaxweynaha, balse uu ka baaqday, waxaana bedalkiisa saakay baxay Ra’iisul wasaaraha.

Shirkan oo ay garwadeen ka tahay IGAD ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah oo ku saabsan xaaladaha siyaasadeed ee ka taagan dalkaasi.

SHARE