R/Wasaare Kheyre iyo qaar ka mid ah Xildhibaannadda dhaliilsan siyaasadiisa oo kulmay

697

Raysal Wasaaraha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Xafiiskiisa kusoo dhaweeyay qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo qaarkood ay yihiin xubno si kulul u dhaliili jiray xukuumada uu hogaamiyo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo dhawaan ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Galmudug, Xildhibaan Mahad Salaad, Xildhibaan Fiqi ayaa ka mid ah dadka kulankaan ka qaybgalay. Xubanahaan ayaa qaarkood waxay xubno ka yihiin Xisbiyada mucaaradka ah ee UPD.

War kooban oo ay soo saareen ayaa ujeedada kulanka lagu sheegay in looga wada hadlayay geedi socodka hanaan dib u heshiisiinta iyo maamul dhisida ee Galmudug.

Kulanka ayaa kusoo beegmaya xili dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya lagu dhaliilay in ay faragelin ku hayso hanaanka dib u dhisida maamulka Galmudug, Siyaasayiinta qaarna ay ku dhaliilayaan in dawladu cid hanaankeeda siyaasadeed taageersan ay u wado madaxtinimada Galmudug.