R/Wasaare Khayre oo kormeeray ku tagay xerada tababarka Ciidanka ee Janaraal Gordan

647

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta booqasho ku tagay xerada tababarka ciidanka ee Janaraal Gordan ee maagalada Muqdisho halkaasi oo ciidamo ka tirsan Xoogga dalka tababar iyo diyaar garow uga socdo.

Ra’iisul Wasaaraha oo ciidanka ugu tegay in ku dhiiri geliyo shaqada ay qaranka u hayaan, in uu ogaado baahida qalab ee ay qabaan iyo in uu la dardaarmo ayaa u sheegay in ciidanku ay hayaan shaqada ugu muhiimsan ee dalka maadaama ay iyagu dhiiggooda dalka u hurayaan.

Ciidanka ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u ballan qaaday in ay xuquuqdooda si joogta ah u heli doonaan, dowladduna ay si gaar ah xil isaga saartay, baahida qalab ee ay qabaanna loo dhammaystirayo si  dalka iyo diinta ay cadawga uga difaacaan.

Dowladda Soomaaliya oo ciidanka ku samaysay dib-u-habayn ballaaran ayaa wada duulaan ka dhan ah Al-Shabaab, arrintaas oo qayb wayn ka ah halbeegyada tubta amniga iyo hannaanka ciidamada Soomaaliyeed ay ula wareegayaan mas’uuliyadda dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay in diiwaangelinta askarta dowladda ay meel wanagsan marayso askarigii is diiwaangeliyana uu heli doono xaquuqdiisa.