Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa gaaray magaalada Addiss Ababa ee dalka Ethiopia.
Wafdiga Ra’iisul wasaaraha oo casuumad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed, ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Ethiopia.
Magaalada Addis Ababa ayaan gaarnay Aniga iyo wefti aan hoggaaminayo. Waxaan kulamo la yeelan doonnaa Ra’iisul Wasaaraha Dalkan Ethiopia @Dr_abiy iyo Masuuliyiin kale oo ay kamid yihiin Madaxda Midowga Afrika. #NabadIyoNolol pic.twitter.com/5e7tUZJR5O
— OPM Somalia 🇸🇴 (@SomaliPM) May 25, 2018
Ra’iisul Wasaare Khayre iyo masuulyiinta la socota ayaa kulamo la leh Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo Madax ka tirsan midowga Afrika oo ay kawada hadlayaan arinma Muhiim u ah Gobalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.