R/Wasaare Imran Khan oo booqanaya Gobolka Kashmir qeybta Pakistan maamusho

595

Ra’iisul wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa lagu wadaa inuu booqdo gobolka Kashmir qeybta ay maamusho Pakistan, isagoo taageeradiisa u muujiyay dadka reer Kashmiir ee ku nool qeybta ay maamusho India ee kala qeybsan.

Booqashada Ra’iisul Wasaare Khan ee Muzzaffarad, oo ah caasimada Kashmiirta ay Pakistan maamusho, ayaa timid si loogu maamuudo maalinta madaxbannaanida Pakistan oo ku soo beegmaysa toddobaad kaddib go’aankii New Delhi ee ahaa inuu hoos u dhigo maqaamkii Gobolka Kashmir.

Khan ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo Golaha Sharci dejinta si uu u cambaareeyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee Hindiya ka wado gobolka Kashmir.

Pakistan ayaa u dabaaldegeysa sanad guuradii 72aad ee maalinta xorriyadeeda iyadoo is gaar ah loogu maamuusayo dadka reer Kashmir sannadkan si taageero loogu muujiyo.

Isaga oo khudbad ka jeedinayay munaasaabadda dabaaldega maalinta xoriyada oo calan lagu saarayay caasimada Islamabad, ayuu madaxweyne Arif Alvi sheegay in Pakistan marwalba garab taagantahay dadka reer Kashmiir ayna sii wadi doonto sidaas, sida ay tabisay warbaahinta maxaliga ah ee Dawn.

” dadka reer Kashmiir waa dadkeenna. Waxaan uga fikirnaa xanuunkooda sida xanuunkeena.” Ayuu yiri Madaxweynaha Pakistan.

Pakistan ayaa maanta u dabaaldegeysa maalinta madax bannaanideeda oo ku beegan 14 Agoosta 1947 oo ah maalinta ay xornimada la qateen gumaystihii Ingiriiska.