R/Wasaare Abiy oo sheegay in ciidanka dowladdu qabsadeen magaalada Mekelle ee Gobolka Tigreyga

343
Itoobiya oo bilaabeysa wajigii ugu dambeeyay ee hawlgalka Ismaamulka Tigreega sida uu sheegay Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed: Reuters

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay in uu dhammaaday howlgalkii militari ee waqooyiga gobolka Tigray kadib markii ciidanku ay sheegeen inay “si buuxda gacanta ugu dhigeen” caasimada Gobolka, Mekelle.

Tan iyo 4tii Nofeembar, dowladda Itoobiya waxay isku dayeysay inay joojiso kacdoonka koox awood badan oo qowmiyadeed ah, oo loo yaqaan ‘Tigray People’s Liberation Front (TPLF)’, dagaal ruxay Geeska Afrika. Kumanaan qof ayaa la rumeysan yahay inay dhinteen ku dhowaad hal milyanna lagu qasbay in ay guryahooda ka cararaan, oo ay ku jiraan ilaa 43,000 oo qaxooti ah oo u qaxay dalka ay deriska yihiin ee Suudaan.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Sabtidii ayuu Abiy ku sheegay inuu “ku faraxsan yahay” inuu la wadaago in howgalladii milatari ee ka socday gobolka Tigray “la dhameystiray lana joojiyay”

“Hadda waxaa na horyaalla howsha muhiimka ah ee ah dib-u-dhiska wixii burburay; hagaajinta wixii dhaawacmay; Soo celinta kuwii soo qaxay, iyada oo mudnaanta koowaad la siinayo sidii caadiga ahayd loogu soo celin lahaa shacabka gobolka Tigreega ”ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in bilayska federaalku uu sii wadi doono baadigoobka iyo xiritaanka“ dambiilayaasha ”kooxda TPLF isla markaana la horkeeni doono maxkamad.

Saacado kadib, hogaamiyaha kooxda TPLF Debretsion Gebremichael ayaa sheegay in ciidamada Tigreega oo aad u hubeysan ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan dowlada. Naxariis darradooda waxay kaliya ku dari kartaa go’aankeena ah inaan la dagaallano kuwaan soo duulay ilaa ugu dambeysay, ”ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters fariin qoraal ah.

Markii la weydiiyay in taasi ay ka dhigan tahay in ciidamadiisu ay dagaalka sii wadayaan, wuxuu ku jawaabay: “Xaqiiqdii. Tani waxay ku saabsan tahay difaaca xuquuqda aan u leenahay aayo-ka-tashi.

Sheegashada Abiy ee guusha ayaa timid kadib markii abaanduulaha ciidamada dalka Jeneraal Birhanu Jula uu ku dhawaaqay in ciidamada dowladda “ay gabi ahaanba gacanta ku hayaan magaalada Mekelle”.

Warbaahinta afka dowladda Itoobiya ku hadasha ayaa ka soo xigatay isaga oo sheegaya in 7,000 xubnood oo ka tirsan taliska Woqooyi ee ciidanka oo ay kooxda TPLF afduub ahaan u haysteen sidoo kale la sii daayay.

Qaar ka mid ah dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha iyo qurbaha ayaa ku soo dhaweeyay warka sheegaya in magaalada Mekelle ay gacanta ku hayaan ciidamada.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa bogaadiyay sidoo kale in ciidanka dowladda ay si buuxda u la wareegaan caasimadda Gobolka Tigrey ee Mekelle.

” Nabadda ha lagu guuleysto Itoobiya !!! ” ayuu bartiisa Twitter-ka soo dhigay.

SHARE