R/Wasaare Abiy: 86 qof ayaa ku dhimatay dibadbaxyadii ugu dambeeyay

59
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Axmed sheegay in 86 ay ku dhimatay dibadbaxyadii ugu dambeeyay. REUTERS/TIKSA NEGERI

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in tirada dadkii ku dhintay dibadbaxyadii ugu dambeeyay ay mareyso 86 qof. Abiy ayaa ugu baaqay dadka Itoobiya in ay iska ilaaliyaan xoogaga doonaya in ay hor istaagaan horumarka dalku sameeyay.

Abiy Axmed oo shir jaraaid oo ay goob joog ka ahaayeen warbaahinta gudaha Itoobiya ayna baahisay warbaahinta dawladda Itoobiya ee Fana ayaa yiri ” Waa in aan iska qabanaa xoogga doonaya in ay labo tallaabo dib noo celiyaan, innaga oo horay u soconna” .

Taageerayaasha Jawar Maxamed oo ah nin dhalinyaro ah oo u ololeeya qowmiyadda Oromada ayaa waddooyinka caasimadda iskugu soo baxay 23-24 bisha October, kaddib markii uu sheegay in dawladdu ay hareereysay gurigiisa ayna dooneyso in ay ka qaaddo waardiyihii ilaalinayay.

Tirada ugu dambeysay ee dhimashada oo horay ay dawladdu ay u tiri waa 78 ayaa hadda gaartay 86 ay ku jiraan rag iyo haween u badan qowmiyadaha Oroma iyo Amxaarada oo Muslim iyo Masiixi iskugu jira.

Dibadbaxyo kale ayaa ka dhacay magaalooyin badan oo ku yaalla ismaamulka ugu dadka badan Itoobiya ee Oromiya halkaas oo ay ku xoogganyihiin taageerayaasha Jawar Maxamed oo an nin dhalinyaro ah oo u ololeeya qowmiyadda Oromada.

SHARE