R/Wasaaraha UK oo qorsheynaya hakinta hawlaha Baarlamaanka

599
Ra'iisul Wasaaraha UK oo qorsheynaya hakinta hawlaha Baarlamaanka. Photo/EPA

Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Britain Boris Johnson ayaa lagu wadaa in uu weydiisto boqoradda Britain in ay ogolaato qorshe uu ku hakinayo baarlamaanka dalka Britain si u u meel mariyo ka bixidda Midowga Yurub heshiis la’aan.

Xildhibaannada baarlamaanka Britain ayaa ku maqan fasaxyadoodii xagaaga, iyada oo lagu wado in ay shaqada kusoo laabtaan  talaadada soo socota, hayeeshee baarlamaanka ayaa la qorsheynaayaa in shaqadiisa la hakiyo dhammaadka todobaadkaan.

Talaadadii ayaa lix xisbi oo mucaarad ah waxa ay ku heshiiyeen in ay meel mariyaan sharci cusub oo diidaya in laga baxo Midowga Yurub heshiis la’aan. Xildhibaannadaan ayaa sharcigaan uga gol leh in la daahiyo ka bixitaanka Britain si heshiis looga gaaro ismari waaga ka dhashay arrinta ka bixidda Yuru ee Britain.

Ra’iisul W Boris Johnson ayaa marar badan ku celceliyay in uu ka bixi doono Midowga Yurub heshiis iyo heshiis la’aan intaba.

Xildhibaannada qaar ee xisbiyada mucaaradka ayaa dareen ka muujiyay isku dayga Ra’iisul Wasaare Boris uu ku doonayo in uu hakad galiyo hawlaha baarlamaanka si loo meel mariyo ka bixidda Midowga Yurub heshiis la’aan.

Angela Reyner oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka UK kuna magacaaban waxbarashada ayaa ku tilmaantay go`aanka Raiisul wasaare Boris mid aad looga xumaado oo dhaawac u geysanaya dastuurka dalka Britain. Angela ayaa tilmaantay in boqor Philip-kii koowaad uu sidaan sameeyay taasna ay qalalaase abuurtay, haddana uu sidii isku dayayo Ra’iisul Wasaare aan la dooray si uu guul uga gaaro danahiisa gaarka ah ee siyaasadeed.

Baarlamaanka Britain ayaa sida caadiga ah hawlihiisa la hakiyaa xilliga dayrta markaas oo xisbiyada waa weyn ay yeeshaan kulamadooda. Marka ay dib usoo laabtaan ayaa la furaa kalfadhiyada baarlamaanka iyada ay goob jog ka tahay boqorada  Britain Elizabeth.

Dalka Britain ayaa wax aka taagan ismaandhaaf la xiriira sida ay tahay in Britain ay uga baxdo Midowga Yurub, waxaan Ra’iisu Wasaare Johnson iyo xulafadiisu ay gadaal ka riixayaan in ay ka baxaan heshiis la’aan, halka xisbiyada qaarna ay taas ka soo horjeedaan.