Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ay dhinacyada ka taaganyihiin Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Hirshabelle, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay guddi loo saaray la tacaalidda fatahaadaha ku dhuftay magaalooyinka qaar ee ay maraan wabiyada Shabelle iyo Jubba.
Gudiggaan oo ka kooban 8 xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah wasiirka arrimaha gargaarka Xamse Siciid Xamsa. Guddiga waxa kale oo xubno ka ah wasiiradaan ka tirsan xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre waxayna kala yihiin:
1. Fowsiya Abiikar Nuur wasiirka caafimaadka
2. Maxamed Abuukar Islow wasiirka amniga
3. Cabdullahi Goodax Barre wasiirka waxbarashada
4. Fowsiya Maxamed Sheekh wasiirka korantada iyo biyaha
5. Siciid Xuseen Ciid wasiirka beeraha
6. Jamaal Maxamed Xasan wasiirka qorsheynta qaranka
7. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wasiirka warfaafinta
8. Isaaq Maxamed Maxamuud ki xigeenka arrimaha gudaha
Guddigaan uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ka qayb qaadan wax ka qabashada magaalooyinka ay saameysay fatahaadaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle.
Magaalooyinka sida gaarka ah fatahaaddu u saameysay ayaa ah magaalada Baladweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan oo fatahaad dhacday ay dadka ku qasabtay in ay ka barakacaan guryahooda maadaama ay biyaha guryaha dadka ugu galeen. Sidoo kale magaalooyinka ka tirsan dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayay fataahaadaha ay si wayn u saameeyeen dadka ku nool deeggaanadaasi.


























