Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi heerkiisu sareeyo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda dalka Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman al-Thani.
Kulan ay Muqdisho ku yeesheen wafdiga wasiirka arrimaha dibadda Qatar iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa looga wadahadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.
Kulan ayaa sidoo kale looga wadahadlay dardar gelinta mashaariicda ay Qatar ka fuliso Soomaaliya iyo taageerada ay siiso dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiriir dhaw la leh dowladda Qatar iyadoo xiriirka labada dhinac uu sii xoogaystay markii Soomaaliya ay mowqif dhexdhexaad ah ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka iyo Qatar u dhaxeeya.
Dowladda Qatar ayaa horey u balan qaaday in ay dhisayso waddooyinka isku xira Muqdisho iyo Afgooyo iyo Muqdisho iyo Jowhar.