Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre magaalada Riyaadh kulan kula yeeshay Boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salmaan bin Cabdulcaziz.
Waxa aan maanta Qasriga boqortooyada kulan kula qaatay boqorka dalka aan walaalaha nahay ee Sucuudiga Boqor @KingSalman Bin Cabdul Casiis. Waxa aan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda. pic.twitter.com/PyTx6LyFnQ
— Hassan Ali Khaire (@HassanAKhaire) October 10, 2018
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Boqorka Sacuudiga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga Carabiya, iskaashiga dhanka dhaqaalaha, amniga iyo siyaasaddaa.
Waxaa sido kale kulan ku wehliya Ra’iisul Wasaare Kheyre wasiirka arrimaha dibadda , Wasiirka Warfaafinta iyo Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Sacuudiga.
Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa shalay gaaray Boqortooyada Sacuudiga kaddib casuumaad rasmi ah uu ka helay boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan.

























