R/Wasaaraha Soomaaliya oo Addis Ababa kula kulmay RW ku xigeenka Itoobiya

102

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamze Cabdi ayaa kulan kula qaatay magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibbeda Ethiopia, Demeke Mekonnen.

Labada Masuul ayaa ka wadahadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya – isla markaana iskaashi xooggan looga sameyn lahaa arrimaha amniga, ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

” Aniga iyo wafdi aan hoggaaminayo ayaa galabta soo gaaray Addis Ababa, waxaana si diirran garoonka dayaaradaha noogu soo dhaweeyay, Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga PP ee haya talada dalka, Mudane Aadan Faarax Ibraahim, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafa Cumar iyo masuuliyiin kale”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamze.

Ra’iisul Wasaare Xamze ayaa inta uu joogo Ethiopia ka qaybgalo doono Madasha Tana Forum oo ah madal looga hadlo arrimaha amniga ee Qaarada Afrika.

SHARE