R/Wasaaraha Itoobiya oo la kulmay madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed

550

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa magaalada Seoul kula kulmay Madaxweynaha dalka Kuuriyada Koonfureed Moon-Jae. Waxa ay ka wadahadleen sidoo kale xoojinta xiriirka geesoodka ah ee labada.

Madaxweyne Moon-Jae wuxuu ku bogaadiyay dadaalka uu sameeyay Ra’iisul Wasaare Abiy oo uu sheegay in adduunka ay tixgalinayaan. Labada waxay gaareen heshiis wada jir ah oo lagu xoojinayo xiriirka Itoobiya-Kuuriyada Koonfureed ee iskaashi.

Labada hoggaamiye waxay goobjoog ka ahaayeen saxiixa shan heshiis oo dhanka is dhaafsiga fududeynta shuruudaha fiisayaasha ee dadka haysta baasaboorada adeegga dibloomaasiga / rasmiga ah, dhisida guddi wadajir ah oo heer wasiirro ah.

Waxa ay sidoo kale isku afgarteen mashaariic dhanka horumarinta tiknooloojiyadda iyo deegaanka ah oo labada dal dhexmari karta.

Itoobiya iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir fog oo soo Jireen ah. Itoobiya ayaa ciidamo lugta ah u dirtay Kuuriyadda Koonfureed markii uu socday dagaalkii labada Kuuriya dhexmaray intii u dhaxeysay 1950 1953.