R/Wasaaraha Itoobiya oo la kulmay gabadha madaxweyne Trump

117

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay IvankaTrump, oo ah gabadha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ahna la taliyihiisa.

Ra’iisul Wasaare Axmed iyo Ms. Ivanka ayaa ka wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal

Ms. Trump ayaa booqasho ku joogta magaalada Addis Ababa iyadoo ka qeybgalaysa madasha horumarinta Haweenka dunida oo looga gol leeyahay horumarinta awoodda dhaqaalaha ee haweenka dunida.

Hindisahaan lagu horumarinayo awoodda dhaqaale ee haweenka dunida ayaa ujeedadeedu tahay in la gaaro 50 milyan oo haween ah oo ku nool dalalka soo koraya sanadka 2025-ka.

SHARE