R/Wasaaraha Itoobiya oo dhexdhexaadinaya militariga iyo mucaaradka dalka Sudan

70

Khartoum- Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abi Ahmed ayaa gaaray magaalada Khartoum ee caasimada dalka Suudaan si uu horkaco dadaalka dhexdhexaadinta ee u dhaxeeya millatariga iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka maalmo kadib markii ay dileen dad badan oo aan hubaysnayn oo dibadbaxyo dhigayay ciidamada sida militariga u tababaran ee (RSF).

Wax yar kaddib markii uu gaaray Khartoum Jimcihii, Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa la kulmay xubno ka tirsan Golaha ku meel gaarka ah ee Militariga (TMC) – kuwaasi oo awood dalka gacan ku hayay inta markii Hoggaamiyihii waqtiga dheer haystay ee Omar al-Bashir afgambi awoodda looga tuuray bishii April. Waxaa sidoo kale la filayaa inuu wadahadal la yeesho hoggaamiyeyaaha mucaraadka ee isbaheyga isbeddella xoriyada.

Afhayeenka Golaha ku meel gaarka ah ee militariga Suudaan-Janaraal Shams-Eddin Kabashi ayaa garoonka diyaaraha Khartoum ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Abiy iyo wafdigiisa oo booqasho halmin ah ku jooga dalka, ka hor inta uusan la kulmin Hoggaamiyaha militariga Sudaan-Janaraal Abdel Fattah al-Burhan.

Ra’iisul Wasaare Abiy, oo 42 jir ah, kaasi oo talada dalka Itoobiya la wareegay sanadkii hore ayaa soo bandhigay dib-u- habayn siyaasaddeed iyo mid dhaqaale, isagoo magac wayn iyo boggaadinba ku helay xirfadiisa diblomaasiyadeed, oo ay ka mid tahay heshiiska nabaddeed uu la galay dalka ay deriska yihiin oo ay mudda dheer cadowga ahaayeen ee Eritrea.

SHARE