R/Wasaaraha Itoobiya oo ciidanka amray guluf ka dhan ah maamulka Tigreega

84
"Halkii ugu dambeeyay ee khadka cas ahaa waa la dhaafay marka waxaa laga maarmaan noqotay in la adeegsado awood si dalka loo badbaadiyo ayuu yiri  Ra' iisul Wasaare Abiy. Reuters

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa shaaciyay in uu ciidanka qaranka Itoobiya oo hooos imaanaya taliska guud amar ku siiyay qaadidda guluf ka dhan ah maamulka Tigreega ee Waqooyiga dalka Itoobiya.

Abiy ayaa ku eedeeyay maamulka Tigreega inay isku dayeen boobka taliska qaybta Waqooyi ee ciidanka Itoobiya.

Waxa kale oo Ra’ iisul wasaare Abiy sheegay in TPLF ama jabhadda xorreynta Tigreega oo gacanta ku heysa maamulka Tigreega ay dagaal ka fureen Dashlah.

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa tilmaamay in dowladdu isku dayday in dagaalka laga fogaado, hase ahaatee aan hal dhinac dagaalka ka  fogaan karin.

Qoraal lagu faafiyay barihiisa bulshada ayuu ku sheegay in ciidanka oo hoos imaanaya taliska guud la siiyay amar gudashada waajibaadkooda ah si dalka loo badbaadiyo.

“Halkii ugu dambeeyay ee khadka cas ahaa waa la dhaafay marka waxaa laga maarmaan noqotay in la adeegsado awood si dalka loo badbaadiyo ayuu yiri  Ra’ iisul Wasaare Abiy.

Shacabka ayuu ugu baaqay Abiy in ay xaaladda si deggan ula socdaan oo ay ishana ku hayaan colaad ku kooban deegaanada qaar, garab istaagaana ciidanka qaranka.

Maamulka Tigreega iyo dowladda Federaalka Itoobiya ayaan dhawaanahaan xiriirkoodu wanaagsaneyn iyada oo maamulka Tigreega ay qabteen doorasho ay sharcidarro ku tilmaantay dowladda Federaalka Itoobiya.

Baarlamaanka Federaalka Itoobiya ayaa soo jeediyay hindise sharciyeed jabhadda TPLF loogu darayo kooxaha argagixisada.

TPLF ama jabhadda xoreynta qowmiyadda Tigreega ayaa hormuud u ahayd isbaheysiga EPDRDF ee talada xoog kala wareegay sanadkii 1991 Mingiste Haile Marriam iyo maamulkii Dergiga ahaa.

Qoomiyada Tigreegu waxay haysay inta badan awooda siyaasadeed ee Itoobiya sanadihii 1991 ilaa 2018, markii Mr Ahmed la doortay. Tan iyo markaas, awoodoodii way yaraatay.

Mr Abiy, oo la siiyay abaalmarinta Nobel Peace Prize sanadkii 2019, wuxuu wajahayaa cambaareyn isa soo taraysa oo uga imaaneysa dhinacyo badan, iyadoo qaarkood ay ku eedeynayaan inuu xirxiray kuwa mucaaradka ku ah dowladiisa.

SHARE