R/Wasaaraha Itoobiya oo booqanaya Kuuriyada Koonfureed

622

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray maagalada Seoul ee dalka Kuuriyada Koonfureed.

Ra’iisul Wasaare Abiy iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka magaalada Seoul ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kuuriyada Koonfureed iyo xubno ka tirsan Jaaliyada Itoobiya ee ku nool magaalada Seoul.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo booqasho ramsi ah ku jooga magaalada Seoul ayaa la kulmi doono Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae iyo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladdiisa.

Waxa uu noqonayaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Itoobiya ah ee booqda Kuuriyada Koonfureed muddo sideed sano ah. Waxay sidoo kale astaan ​​u tahay safarkii ugu horreeyay ee uu ku tago Kuuriyada Koofureed hoggaamiye Afrikaan ah tan iyo markii uu xaafiiska la wareegay maamulka madaxweyne Moon bishii Maajo 2017.

Madaxweyne Moon iyo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa ka wada hadla doono sidii loo “xoojin lahaa xiriirka labada dal, iskaashi mustaqbal ku saleysan. Waxa ay sidoo ka wada hadli doonaan ganacsiga, maalgashiga, iskaashiga horumarinta, sayniska iyo tikniyoolajiyadda, iyo waliba deegaanka, deegaan iyo isbedelka cimilada.

Kuuriyada Koonfureed iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir taarikhi ah oo soo jireen ah.