Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa booqasho aan horrey loo shaacin ku tagay toddobaadkaan dalka Cumaan, oo ah dal ka tirsan gacanka khaliijka kaasi oo aan wax xiriir diblomaasiyadeed ah aan la lahayn Israel.
Ra’iisul Wasaaraha Israeli ayaa la kulmay boqorka Oman Sultan Qaboos bin Said.
Waa booqashadii ugu horresay oo hoggaamiye Israel ah ku tago sultanatada Cumaan tan iyo booqashadii Shimon Peres ee sanadkii 1996-dii.
Sanadihii ugu dambeeyay, Netanyahu ayaa ku adkaysanayay in xiriirka ka dhexeeya Israel iyo dalalka gacanka Carabta ay sii korayaan, iyadoo aysan jirin caddayn rasmi ah.
Toddobada dal ee gacanka Carabta midna ma si rasmi ah uma aqoonsana Israel.
Sultan Qaboos ayaa ku tilmaamay booqashada “tallaabo muhiim ah” oo ku aaddan fulinta siyaasadda Netanyahu ee xoojinta xiriirka dalalka Gacanka Carabta.