R/Wasaaraha Ciraaq: Sucuudigu doonimaayo dagaalka Iiraan

367
Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq: Sucuudigu doonimaayo dagaalka Iiraan. Reuters.

Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq Caadil CabdulMahdi ayaa sheegay in Sucuudigu ay doonayaan in ay dajiyaan xiisadda kala dhaxeysa Iiraan si looga hortago dagaallo kale oo ka dhaca gobolka taasina ay tahay danta guud ay ka simanyihiin dalalka gobolka.

Hadalkaan ayuu Ra’iisul wasaaraha Ciraaq waxa uu ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay Telefishinka Aljazeera isniintii maalmo kaddib markii uu booqasho ku tagay dalka boqortooyada Sucuudiga isaga oo wadahadal la yeeshay boqor Salmaan.

“Dal na ma heysto hub uu cadawgiisa ku gaarsiin karo khasaare xooggan, sidaas darteed waxa kaliya oo ka dhalan kara qalalaase iyo burbur gaaraya gobolka oo dhan ” Ra’iisul wasaare Cabdul Mahdi ayaa sidaas ku yiri wareyisga uu siiyay Telefishinka Aljazeera.

Ra’iisul wasaare Cabdul Mahdi ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xallinta colaadda Yaman taas oo uu sheegay in ay horudhac u tahay in la gaaro nabadgalyo gobolka ah.

Rejo badan ayuu Ra’iisul wasaraha Ciraaq ka muujiyay in xal la gaari doono iyada oo taas uu sabab uga dhigay in dhinac kasta ay doonayo wadahadal sida Iiraan, Maraykanka iyo Sucuudiga.

Ciraaq iyo dalal kale ayuu sheegay Ra’iisul wasaaruhu in ay diyaar u yihiin in ay keenaan xalka ama goobta xalka lagu gaarayo.

Hadalka Ra’iisul wasaaraha Ciraaq ayaa imaanaya iyada oo dhawaan wareysi uu siiyay barnaaminka ka baxa Telefishinka dalka Canada ee CBS 60 dhaxal sugaha uu ku sheegay in uu doorbidayo wadahadal maadaama uu dagaalka ka fiicanyahay.

Warbaahinta dalka Ciraaq ayaa ku warantay in Ra’iisul wasaaraha Ciraaq uu dhawaan tagayo dalka Iiraan si xiisadda gobolka la qaboojiyo.

Mar uu Telefishinka Aljazeera wax ka weydiiyay Ra’iisul wasaaraha Ciraaq cidda ka danbeysay weeraro bishii la soo dhaafay lagu qaaday maleyshiyaad Shiico ah oo Ciraaq ku sugan ayuu Cabdul Mahdi sheegay in baaritaanada la sameeyay oo idil ay muujinayaan in Isra’iil ay ka dambeyso.
Maleyshiyaadkaas oo loo yaqaan Xaashid Shacbi qaybna ka ahaa dagaaladii Ciraaq looga saaray Daacish ayaa Israa’iil ku eedeeyay in ay ka dambeysay iyada oo taageero ka heleysa Maraykanka.

Israa’iil ayaan wax war ah ka soo saarin weerarka lagu qaaday maleyshiyaadka Shiicada ah ee horay uga tirsanaa isbaheysigii dagaalka kaga adkaaday Daacish.

SHARE