R/W UK oo warqad aan saxiixneyn oo lagu codsanayo dib u dhigista BREXIT u diray Midowga Yurub

87

Ra’iisul Wasaaraha dalka Britain Boris Johnson ayaa warqad saxiix la’aan ah oo lagu codsanayo dib u dhigista ka bixitaanka Britain ee EU u diray Midowga Yurub. Johnson ayaa raaciyay warqad kale oo uu ku caddeeyay in uusan dooneyn ka bixitaan dabadheeraada.

Boris Johnson ayaa horay u sheegay in uu doorbidi lahaa in uu halka u dambeyso gaaro intii uu codsan lahaa kordhin loo sameeyo marka la gaaro muddada ay ku egtahay ka bixitaanka Midowga Yurub ee bishan October 31keeda.

Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa waxa uu ku qasbanaaday in uu warqad codsi ah oo lagu kordhinayo mudada ka bixitaanka u diro Midowga Yurub kaddib markii qorshihii sabtidii uu ku doonayay in uu Midowga Yurub uga baxo ay diideen xildhibaanada baarlamaanka UK taas oo qasab ka dhigtay in uu codsado muddo kordhin gaari karta ilaa 31 bisha January ee sannadka soo socda.

Boris Johnson ayaa saddax warqad u diray Madaxwyenaha Golaha Midowga Yurub Donald Tusk taas oo ku caddeeyay in daahid dambe oo la daahiyo ka bixitaanka ay dhaawici karto xiriirka labada dhinac.

Ra’iisul Wasaare Boris ayaa qorshayaashiisa ugu muhiimsan waxaa ka mid ah in meel mariyo ka bixitaanka Midowga Yurub si uu u qabto doorasho sanandka dambe.

Johnson ayaa ku adkeystay in uu Midowga Yurub ka bixi doono heshiis ama heshiis la’aan marka la gaaro waqtiga kama dambeysta ah oo ku beegan 31 bishan October. Sharcidajiyaasha Britain ayaa se ka horyimid taas oo keentay in uu mar kale Midowga Yurub ka socdo dib u dhigidda Britain ee Midowga Yurub.

SHARE