Muqdisho: Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta hortagay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si uu warbixin uga siiyo 100kii maalmood ee uu xafiiska joogay.
Ra’iisul Rooble ayaa uga warbixiyay Golaha Shacabka wax yaabihii u qabsoomay 100-ka maalmood ee Xukuumadda oo ku saleysnaa baahiyaha kala duwan ee ka jira dalka, gaar ahaan wakhtigan lagu jiro ee xilli-doorashooyinka.
Waxa uu sheegay in Xukuumaddiisa ay hormar ka samaysay intii uu xafiiska joogay arrimaha, amniga, arrimaha bulshada, horumarinta dhaqaalaha, iyo hannnanka deyn cafinta.