R/W Rooble oo kulan la qaatay Safiirada Turkiga iyo Qatar

306

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjireyaasha dalalka Turkiga iyo Qatar Mohmet Yelmez iyo  Hassan Hamza oo ay ka wada hadleen sii xoojinta  xiriirka labada dal kala dhexeeya  Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha amniga  howl-wadeennada ka shaqeynaya dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo ay maalgalisay dowladda Qatar, ayna fulineyso shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey dhabar adeyga howlwadeennada gacanta ku haya dhismaha waddada, isagoo uga  tacsiyeeyay howlwadeennadii Turkida iyo Soomaalida ahaa ee ku geeriyooday falalkii argagixisadu ku doonayeen hakinta dhismaha waddadan muhiimka ah.

“Xilweyn ayay dowladdu iska saareysaa sugidda amniga howl-wadeennada  ka shaqeynaya  waddadan, si aan loo dhibaateyn, argagixisaduna nagama horjoogsanayaan inaan dhammeystirno dhismaha waddadan halbowlaha u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka Caasimadda iyo gobolka Shabellaha Hoose”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Safiirada Danjire ee Turkiga iyo Qatar ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadista dhismaha waddadan iyo mashaariicda kale ee horumarineed ee ay ka wadaan Soomaaliya.

SHARE