Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay qaar ka mid ah Madaxda Xisbiyada siyaasadda dalka.
Kulanka ayaa looga hadlay dadaallada dowladda ee Doorashooyin dalka ka qabsooma iyo caqabadaha jira.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la wadaagay sida Xukuumaddiisa ay diyaar ugu tahay iyo caqabadaha ka taagan arrimaha Doorashooyinka.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale ka dhageystay madaxda xisbiyada siyaasadeed tallooyinkooda ku aaddan doorasho daahfuran oo dalka ka dhacda.