R/W Rooble oo kormeeray Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhexe iyo Dekedda Muqdisho

55

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeeray tagay Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhexe iyo Dekadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulan kula yeeshay xarunta Wasaaraha Maaliyadda Wasiirka Maaliyadda iyo Masuuliyiinta Wasaaradda isagoo ka dhagaystay warbixin ku saabsan hawlaha Wasaaradda ka socda iyo dib u habaynta hannaanka dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale warbixin ku saabsan arrimaba deyn cafinta iyo dib habaynta dhaqaalaha ka dhagaystay Wasiirka Maaliyadda 8yo xubnaha Wasaaradda.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale kormeer ku tagay Bangiga Dhexe ee dowladda oo kulamo kula yeeshay masuuliyiinta Bangiga. Sidoo kale waxaa uu tagay Dekedda Muqdisho si uu ugu guur galo hawla iyo shaqada ka socda Dekedda.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka go’antahay la dagaallanka musuqmaasuqa iyo Kordhinta dakhliga dalka.

SHARE