Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeer ku tagay xarumaha Caddaaladda iyo Garsoorka dalka.
Ra’iisul oo ay kormeerka ku wehliyeen Wasiirada Caddaadalada, warbaahinta, xeer ilaalada Qaranka ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso tayaynta hey’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka dalka.
” Xukuumaddayda waxaa saldhig u ah in bulshada Soomaaliyeed ay helaan hannaan caddaaladeed oo la isku halayn karo, anigoo fahmi kara duruufaha adag ee aad ku shaqaysaan, hadana waxaan la idinka rabaa inaad ka fogaataan wax walba oo keenaya musuqmaasuq, bulshadana ugu shaqeysaan si caddaalad ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee xarumahaan ayaa qeyb ka ah u kuurgalida Ra’iisul Wasaaraha ee xarumaha muhiimka ah ee dowladda iyo adeegyada ay dadweynaha u hayaan.