R/W Rooble oo isku shaandheyn ku sameeyay qaarka mid ah Golaha Wasiirrada

472

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeyey qaar kamid ah Golaha Wasiirrada.

Wareegto ka soo baxday Xaafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la isku isbeddelay Wasiirada Gadiidka iyo Duulista Hawada Iyo Shaqada iyo arrimaha bulshada.

Durraan Axmed Faarax oo horey u ahaa Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo horey u hayay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa loo magacaabay Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada.

Wasiirka Warbaahinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa wareegtada Warbaahinta dowladda ka akhriyay.

Lama oga sababta ka dambeysa isku shaandheyn taan iyo waxa ku soo aadiyay waqtigaan xasaasiga ah oo ay taagan tagay ismari waaga Doorashooyinka Soomaaliya ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.