R/W Rooble oo booqday xarunta Ciidanka Danab ee Balli-Doogle

755

AFgooye: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta booqasho iyo kormeer ku tagay xaruntq Balli-doogle oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku howl-galaan  Ciidanka Kumaandooska Danab ee Guutada 16aad.

Ra’iisul Wasaaraha oo xogwareysi la yeeshay ciidanka, ayaa boggaadiyey guulaha la taaban karo ee ciidanka Danab guutadiisa 16-aad ee sida gaarka ah u tababaran ay ka soo hooyeen dagaallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka lagaga sifaynayo dalka argagixisada.

“Waxan idin kugu nimid inaan idin xogwareysano oo dhiirigelinayo dadaalkiina ku addan dagaalka aad kula jirtaan cadowga. Maadaama aan hiigsaneyno mustqabalka dhow in ciidamadeennu ay si buuxda ula wareegaan guud ahaan Amniga Qaranka. Iyadoo shaqo aan ka shaqeynayno dhammeystirka hannaanka ciidanka iyo soo celinta xarumahooda, si aan u soo saarno ciidan u diyaarsan hab casri ah oo ay u dhammeystiran yihiin dhammaan agabka, xirfadaha iyo baahiyahooda ciidan.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Guutada 16-aad ee Danab ayaa sida gaar ah u tababaran, waxayna fulinayaan howlgallo qorshaysan oo ka dhan ah Al-Shabaab, waana ciidan heegan ugu jira hawlgallada qaaska ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale uya mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada iyo tababarka joogta ah ee ay la garab taagnayd Ciidanka Danab.