R/W Rooble iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo ka wadahadlay arrimaha Doorashooyinka

517

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta kulan kula yeeshay xafiiska Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa la sheegay in ay ka wadahadleen arrimaha Doorashooyinka Qaranka ee muranka ka taagan yahay iyo sidii xallin lahaa.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay walaaca iyo kalsooni la’aanta ay musharaxiinta xilka Madaxweynaha ay ka qabaan Guddiyada Doorashooyinka iyo hannaanka wax u socdaan.

Qoraal ka soo baxay xaafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in ay ka wadahadleen arrimaha Doorashooyinka iyo sidii doorasho daahfuran u qabsoomi lahayd.

“Ra’iisul Wasaaraha iyo Hogaamiyaha  Xisbiga Wadajir ayaa ka wada hadlay qabsoomidda doorasho daahfuran oo si nabdoon ku dhacda, xallinta tabashooyinka la xiriira arrimaha doorashada iyo in dhammaan dhinacyada siyaasadda oo dhami xil iska saaraan xasilloonida dalka, kana fogaadaan hadal ama ficil kasta oo niyad jab ku ah shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xaafiiska Ra’iisul wasaare Rooble.