R/W ku-xigeenka oo shir Guddoomiyay kulan ku saabsan Miisaaniyadda dowladda ee 2021

533

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta shir Guddoomiyay kulan Wasaaradda Maaliyadda ay Wasiiradda cusub ugu soo bandhigaysay Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2021.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh oo kulan warbixin ka jeediyay ayaa la waddagay Xukuumadda cusub faahfaahinta ku saabsan Miisaaniyadda Dowladda ee 2021-ka oo hadda diyaarinteedu gabogabo ay marayso.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay sidoo kale in muhiimadda kulanku uu ahaa sidii la isaga kaashan lahaa dar-dargalinta iyo sare u qaadidda dekhliga gudaha dalka.

Wasiiradda Wasaaraha Xukuumadda ayaa sidoo kale tallooyin iyo soo jeedino ku darsaday doodda Miisaaniyadda dowladda iyo meelaha ay muhiimka ugu tahay wasaarada ay ka socdeen.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa ku hawllan diyaarinta ku talagalka Miisaaniyadda dowladda ee 2021 iyadoo marka dhamaystiro loo gudbin doono Golaha Xukuumada si ay u meelmariyeen inta aan Baarlamaanka la horgeeyn.