R/W ku xigeenka DF oo xarriga ka jaray Qalab cusub oo shirkadda Albeyrak keentay Dekadda Muqdisho

906

Muqdisho(UM) – R/Wasaare ku xigeenka dowladda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta xarriga ka jaray qalab casri ah oo loogu tala galay in uu Maraakiibtii ku bur buray Biyaha Badda iyo qashinka ku dhex jira ka looga saaro.

Qalabkaan oo ay keentay shirkadda Albeyrak ee Turkiga ee hadda ka howlgasha Dekadda Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac,mareeyaha Dekadda ee shirkadda Albeyrak Sami Erol,Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda iyo Agaasimayaal.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in ay  ku faraxsan yihiin in maanta ay daah furaan qalabkaan carrada iyl qashinka looga saarayo Dekadda Muqdisho,taasoo suurta gal ka dhiganeysa in Maraakiib fara badan oo xamuulkooda culus yahay ay ku soo xirtaan Dekadda.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda dowladda federaalka Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac, ayaa iyana sheegtay in hadda ay gacanta ku hayaan nidaamkii lagu maamuli lahaa maaliyadda iyo qaabkii loo jiheynaa Maraakiibta Dekadda ku soo xirta.

Qalabkaan ayaa ah mid muhiim ah gaar ah uleh Dekadda Muqdisho,taasi oo Maraakiibta Xamuulka ah ay ku soo xiran karaan, sidoo kale dakhli ku soo kordhin karta Miisaaniyadda Dekadda ka soo xarriga.

Sidoo kale, waxaa goodta ka hadlay Mareeyaha Dekadda ee Shirkadda Albeyrak Sami Erol iyagoo sheegay in ay bilaabi doonaan dhawaan nidaamka carro saarka ee Dekadda.

Qalabkaan loo adeegsan doono in carrada iyo wasaqda looga saaro dekadda ayaa waxaa loo diyaariyay shaqaalo loo tababaray in ay ku hawlgalaan oo ay isticmaalaan in ay qashinka uga saaraan Maraakiibtii dhawr iyo labaatan sano ka hor ku hallaabay Biyaha Badda Soomaaliya.