Muqdisho ( UM) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer ku tagay wasaaradda Maaliyadda.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xarun kulan kula yeeshay wasiirka Maaliyadda, Agaasimayaasha iyo hawl wadeennada Wasaaradda.
Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle aya sheegay in kulan looga hadlay qorshayaasha horyaal Wasaaradda ee dhanka horumarinta Maaliyadda dalka ee sanadka 2019-ka.
Maanta waxaan ka shirnay qorshaha ina horyaal ee horumarinta Maaliyadda Dalka ee 2019ka, waxaana nagala soo qeyb galay R/Wasaare Hassan Ali Khaire. Sanadkaan waxaan rajeynayaa inaan meel wanaagsan gaarno. pic.twitter.com/F3M1npdiSc
— Dr Abdirahman Beileh (@DrBeileh) January 5, 2019
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dardargelinta barnaamijka deyn cafiska Soomaaliya ee ay hormuudka ka tahay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyo sidoo loo hormarin lahaa dhaqaalaha dalka.
Dhankale, Ra’iisul Wasaare Kheyre aya booqasho li tagay isla maanta dekkedda wayn ee magaalada Muqdisho si uu ugu guurgalo hawlaha dekkedda iyo sida ay u socdaan.