Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ay hoggaaminaysay madaxa siyaasadda arrimaha dibadda Midowga Yurub Federica Mogherini.
Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo madaxa siyaasadda arrimaha dibadda Midowga Yurub ayaa ka wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin horumarka ay ka sameysay howlaha dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo kaalinta Midowga Yurub ee howlaha dowladda Soomaaliya hor yaalla sanadkaan 2019.
Kulan ay yeesheen Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga ay hoggaaminaysay Mogherini ayaa sidoo kale looga hadlay taageerada Midowga Yurub uu siiyo dowladda Federaalka iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac.
Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda Federica Mogherini iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa shalay booqasho ku soo gaaray magaalada Muqdisho.