R/W Kheyre oo magaacabay Guddiga ka shaqeeya Badbaadinta iyo soo celinta Hantida Qaranka

650

Muqdisho (UM) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Guddi 11 xubnood ka kooban u magaacabay Badbaadinta iyo soo celinta Hantida Qaranka.

Dhammaan Wasaaraddaha Xukuumadda, Hey’addaha hoos yimaada iyo xaafiisyada madaxa bannaan ee dastuuriga ah ayaa sidoo kale la faray in la joojiyay bixinta iyo iibinta dhulalka dowladda.

Guddiga la magaacabay ayaa la faray in ay soo tira kooban hantida Dhammaan Wasaaraddaha Xukuumadda, Hey’addaha hoos yimaada iyo xaafiisyada madaxa bannaan ee dastuuriga ah ay leeyihiin.

Guddigaan ayaa soo kale shaqadoodu tahay
soo celinta dhulka iyo gaadiidka sida sharci darrada ah dowladda uga maqan, sida lagu xusay wareegtada ka soo baxday xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Guddigaan maanta la magaacabay ayaa ka kooban wasiirro, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Hanti Dhawraha Qaranka iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa bishii Janaayo ee sanadkii hore wareegto ka soo baxday xaafiiska waxa lagu joojiyay bixinta iyo iibinta dhulalka dantaguud ee qaranka.