R/W kheyre oo maanta tagaya magaalada Garoowe

1248

Muqdisho (UM) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalla Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa inuu maanta tago magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.

Waxaa saaka ka socda maagalada Garoowe qaban qaabada munaasabad lagu soo dhaweynayo Ra’iisal Wasaare kheyre iyo wafdiga la socda.

Ra’iisal wasaare kheyre ayaa sidoo kale inta uu ku jira booqashadiisa safar ku tagi doono deegaano kale duwan oo ka tirsan Puntland.

Waa booqashadii ugu horresay oo Ra’iisal Wasaare kheyre ku tago dowlad goboleedka Puntland tan iyo markii xaafiiska loo magacaabay.