R/W kheyre oo ka qeybgalay Muunaasabad lagu xusayay maalinta Dhallinyarada

536

Muqdisho (UM) – R/W Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay ka qeybgalay munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho oo xusayay maalinta caalamiga ah ee dhallinyarada.

R/Wasaare Khayre ayaa hadal uu ka jeediyay munaasabadda waxa ka sheegay in kun dhallinyarada ah ( 1000) dowladdu fursado Shaqa siin doonto.

R/Wasaaraha ayaa sheegay dowladdu shaqaalaysiinnay kun dhallinyaro Soomaaliyeed ah. ”Guddoomiyaha Gobalka Banaadir waxa aan leeyahay codsiyada ka qabo kun kale oo dhalliyara Soomaaliyeed ah, uguna qaybi si caddaalad ah ayuu yiri R/ Wasaare kheyre.

Soomaaliya ayaa la sheegaa in dhallinyaradu boqolkii 70 ay ka yihiin shacabka balse caqabadaha ugu waa wayn ee haysta ay tahay shaqa la’aan.

Lama oga in balan qaadka fursadaha shaqo ee Ra’iisal Wasaaraha uu u sameeyay dhallinyarada Xukuumadda ay ka dhabyn doonto iyo in kale.

SHARE