R/W Kheyre oo gaaray magaalada Garoowe

45

Garoowe – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad Goboleedka Puntland.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdigisa Waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha ee magaalada Garoowe Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni, madaxweyne ku xigeenka iyo xubno ka tirsan maamulka Puntland.

Waxaa sidoo kale maanta gaaray magaalada Garoowe oo lagu soo dhaweeyay madaxda dowlad Goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sidoo kale la filayaa inuu tago berri magaalada Garoowe.

Shirka wadatishiga madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka oo uu horrey gogoshiisa u dhigay Madaxweynaha Puntland ayaa berri ka furmaya Garoowe.

Shirkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland ay ka soo horjeesteen Hindise sharciyeedka doorashooyinka dalka oo shalay Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen.

Shirkaan ayaa la filayaa in lagu gorfeeyo waxyaabaha la isku haysto iyo khilaafka u dhaxeeya madaxda dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka, iyadoo sidoo kale arrimaha doorashooyinka iyo dhamaystirka dib u eegista Dastuurka.

SHARE