Muqdisho (UM) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xasan Cali Kheyre, ayaa dhagax-dhigay maanta xarunta wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Horumarinta dhaqaaaha oo dib-u dhis iyo dayactir lagu samaynayo.
D0wladda Qatar ayaa maalgelinaysa dhismaha iyo dayactirka lagu samaynayo dhismaha wasaaradda Qorsheynta Qaranka, taasi oo qayb ka ah heshiisyo ay horrey u dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo Qatar oo mashaariic horumarineed dalka looga samaynayo.
R/Wasaare Kheyre ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar maalgelinta mashruucaan dib loogu dhisayo wasaaradda, isagoo oo tilmaamay in dhismaha wasaaraddu uu muhiim u yahay barnaamija xukuummadda.
“Dhismaha wasaaraddan iyo in aan kusoo celinno sidii ay ahayd sanad gudihiis waa geeddi socodka aan rabno in wasaarad iyo dhisma waliba ee waddankaan laga dudumiyay aan dib ugu soo celinno sidii ay ahaan jirtay”, ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha oo saaxafada goobta kula hadlay dhagax dhigga kaddib.
Xarunta Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo burbur xooggani uu ka soo gaaray dagaalladii dalka ka dhacay ayaa ka mid ah wasaaradaha ugu muhuumsan ee dowladda balse hadda dulsaar ku ah wasaarad kale.