Muqdisho (UM) – R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka. Ra’iisal Wasaaraha oo ay wehliyaan wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa sheegay in sanadkaan imtixaanka u fariisteen arday gaaraysa 27,600, (labaatan iyo toddobo kun iyo lix boqol) oo ardey kuwaas oo waxkabartay dugsiyada kale duwan ee dalka ku yaalla.
R/Wasaare Kheyre oo booqday xarunta Iskuulka 15 May ee degmada Warta Nabadda (Ex- Wardhiiglley) oo ka mid xarumaha imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda ay ka socdaan ayaa sheegay in arrintaan ay ka turjumayso horumarka dhanka waxbarashada ah ee dalka uu gaaray, isaga oo raaciyay in dowladdu ay ka go’an tahay horumarinta waxbarashada dalka iyo ka shaqayso sidii ardeydaan ay ku heli lahaayeen mustaqbal wanaagsan.
” Waxaan u mahed celinayaa Hooyooyinkii iyo Aabayashii ku soo dadaalay in ay maanta carruurtooda halkan soo gaarsiiyaan, annaguna waxaan ballan qaadaynaa in aan ku dadaalayno sidii ay ardaydan u heli lahaayeen mustqabal wanaagsan oo wax wayn ka badala noloshooda.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.
Waxaan saaka daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee dalka oo sannadkan ay u fariisanayaan 27,600 oo arday.#nabadiyonolol pic.twitter.com/4qYx27xElb
— OPM Somalia 🇸🇴 (@SomaliPM) May 19, 2018
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyay itixaanaadka shahaadiga ah ee dusiyada sare qaadaysay, iyadoo sheegtay in sanadkaan 2018-ka ay ardeydii ugu badnayd u furisteen imtixaankaan.