Baydhabo – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta dhagax dhigay dhisma waddo shan iyo taban kiilo mitir ah oo dhex marta magaalada Beydhabo, si ay qayb uga qaadato fududeynta isu-socoka bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha.
Dhismaha wadada oo ay fulineyso dowladda Federaalka ayna maal gelineyso dowladda Norway ayaa inta la dhisayo waxaa ka shaqeynaya 500 oo shaqaala dadka deegaanka ah oo ay shaqo abuur u noqoneyso.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Cali Kheyre ayaa dhanka kale, xarigga ka jaray ceel biyood ay dhistay Save the Children oo kamid ah mashaariicda horumarineed ee magaalada Baydhabo laga hir-geliyay kaas oo si lacag la’aan ah biyaha uga cabayaan ilaa afar kun oo qoys oo ku nool xarunta ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed.