
Ra’iisal wasaarihii hore ee Malaysia Mahathir Maxamad ayaa la sheegay inuu ku guulaystay doorashooyinka baarlamaaniga ah ee dalka Malaysia, isagoo ka adkaaday Najib Razak kaddib doorasho adag oo lagu muransan yahay, kaas oo dhamaystiray xukunkii lixda sano ahaa ee uu xukunka hayay.
Mahathir, oo ah 92-jir, ayaa Ra’iisul-wasaare soo noqday intii u dhaxeysay 1981-dii iyo 2003-dii, ayaa hoggaamiyay isbahaysiga mucaaradka, Pakatan Harapan, guushii ugu horreysay ee doorashadii tan iyo markii madax-bannaanida dalka Malaysia ee 1957-kii, ay ku guuleysteen aqlabiyad baarlamaani ah.
Mathathir ayaa noqonaya Ra’iisal wasaaraha dunida ugu da’da wayn kaddib marka maanta oo khamiis ah xilka loo dhaariyo.
Isbaheysiga uu hoggaamoyo Dr. Mahathir Mohamad ayaa aqlabad wayn ka helay kuraasta baarlamaaniga ah ,taasi oo lama filaan ku noqtay xisbiga taladaha ee Barisan Nasional (BN) oo talada hayay muddo 60 sano ah.
Isbaheysiga mucaraadka ayaa ku gukaysay kuraas dhan 113 – oo ah in ka badan intii laga rabay aqlabiyada kuraasta baarlamaaniga ah ee loo baahnaa, halka Xisbiga talada haya uu helat kuraas dhan 222 oo baarlamaanka ah.
Doorashadaan ayaa ahayd mid ka mid ah doorashadii ugu adakayd ee si dhaw loogu loolamo taariikhada dalka Malaysia, iyadoo hoggaamiyaha 92 jir ah ee Mahathir uu ka baxay hawlgab si uu meesha uga saaro, Ra’iisal wasaare Najib Razak kaasi oo lagu eedeeyay musuqmaasuq ballaaran.
Taageerayaasha xisbiga Isbaheysiga ee Pakaran Harapan ayaa isugu soo baxay waddooyinka waa wayn ee caasimadda Kuala Lumpur markii lagu dhawaaqay guusha uu ka gaaray doorashada Dr. Mahathir.