Muqdisho (UM) – Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee u hambalyeey Ra`iisul wasaare Abiy markii lagu dhawaaqay in uu ku guuleystay billada nabadda ee Noble peace taas oo uu ku helay heshiiskaa nabadeed ee uu la gaaray Eritreeya.
Heshiiskas ayaa soo afjaray colaad muddo ka badan labaatan sano u dhaxeysay labada dal. Heshiiska ayaa horseeday wadashaqeyn dhinacyada dhaqaalaha iyo iskaashiga amni ee gobolka. Abaalmarinta Ra`iisul wasaare Abiy ayaan kaliya loo siin Eritreeya oo qura, laakiin waxaa taas wehliya isbadallo dhaqaale, siyaasadeed taariikhi ah oo uu ka sameeyay dalkiisa.
Sidaas oo ay tahay haddana, Ummadda Media waxay qabtaa in Ra`iisul Wasaare Abiy ay u wanaagsantahay in uu abaalmarinta la wadaago Madaxweyne Afwerki iyo Madaxweyne Farmaajo maadaama ay qayb ka ahaayeen dadaalada sare u qaadida xasiloonida , isku xirka iyo iskaashiga dhaqaale ee gobolka Geeska Afrika.
Waa xaqiiq jirta oo diiwaanka taariikhda gashay in Madaxweyne Farmaajo uu muhiim u ahaa bilaabidda hindisaha iskaashiga gobolka Geeska Afrika. Ra`iisul Wasaare Abiyna oo wajahaya caqabado gudaha ah suurogal uma ahayn in ku guuleeysto abaalmarintaan haddii aysan jirin lahayn wadashaqeynta iyo niyad wanaagga Madaxweyne Afwerki iyo dadaalka Madaxweyne Farmaajo.
Ra`iisul wasaare Abiy iyo Itoobiyaba waa in ay ku faanaan abaalmarinta nabadda ee Noble Prize. Sidaa oo kale waa tijaabo shakhsiyadeed oo lagu ogaanayo Itoobiyaanka in ay fahamsanyihiin xaaladaha iyo dadka keenay in ay abaalmarintaan helaan.
Ra`iisul wasaare Abiy waa in uu ogaada muujiyaana in wadashaqeyn goboleed ee amni iyo dhaqaale aysan ahayn wax hal shakhsi uu horseedi karo ama ah bandhig hal qof dhigayo sida ka muuqata abaalmarinta Noble Prize, laakiiin ay tahay wadashaqeyn ka timaada dalal kala duwan .
Haddii uu sameyn karo sidaan oo uu codsado in uu abaalmarinta la wadaago Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritereeya waxa caalamka hortiisa uu kusii noqonayaa hoggaamiye wanaagsan. Haddey dhacdo in guddiga bixinaya abaalmarinta ay diidaan codsigiisa ah la wadaagidda abaalmarinta Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritreeya waxa uu noqonayaa mid lagu xasuusto in uu isku dayay.