R/Kheyre oo tagaya Imaaraadka Carabta

1015

Muqdisho (UM) – Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa la filayaa in ay berri u ambabaxaan dalka Isu taga Imaaraadka Carabta.

Wafdiga Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa la sheegayaa in ay ku wehli doonaan xubno ka tirsan Golahiisa Wasiiradda.

R/Wasaaraha ayaa la filayaa inuu la kulmi doono madaxda dowladda Imaaraadka Carabta, inkasta oo aan la ogayn waxyaabaha ay ka wadahadli doonaan.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Imaaraadka iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaan wanaagsanayn.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sanadkii hore go’aan dhexdhexaadnimo ka qaadatay khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Xulafada Sacuudiga oo ay ku jirto Imaaraadku iyo dowladda Qatar.