Qaxooti lagu haayay Papua New Guinea oo dib u dajin ka helay Maraykanka

979

Qaybtii labaad ee qaxootiga ay dowladda Australia ku haysay Papua New Guinea ayaa halkasi laga qaaday iyaga oo loo qaaday dalka Mareykanka ka dib heshiis dib u dajin ah oo la saxiixay.

Ku dhawaad 40 nin ayaa ka tagay maanta oo Talaado ah jasiirada Manus, waxaa sidaasi shaaciyay warbaahinta maxaliga ah iyo kooxaha u ololeeya arrimaha qaxootiga.

Arrintan ayaa imanaysa iyada oo bishii September ee sanadkii aanu soo dhaafnay ay halkaasi laga qaaday 54 qof.

Xukuumadaha Canberra iyo Washington ayaa ku heshiiyay in Mareykanka ay qaataan qaxooti dhan ila 1,250 qof.

18 qof oo kale oo qaxooti ah ayaa lagu wadaa in ay u duulaan Mareykanka bisha soo socota , sida ay sheegeen dadka u ololeeya qaxootiga.

Qaxootigan oo inta badan ka soo jeeda dalalka Afghanistan iyo Pakistan ayaa loo diiday in dib u dajin laga siiyo dalka Mareykanka.

Nidaam muran badan dhaliyay ayaa dowladda Australia waxa ay dadka magangalya doonka ah ee doomaha ku yimaada ay ku haysaa jasiirada Manus iyo dalka ku yaalla badda Pacific-ga ee Nauru.

Heshiiska Mareykanka oo la saxiixay markii maaamulka madaxwayne Obama uu xilka hayay ayaa waxaa markii hore cambaareeyay madaxwayne Trump balse markii dambe aqbalay in loo hogaansamo.

Dowladda Australia ayaa dhankeeda aqbashay tira yar oo ah qaxootiga ka yimid bartamaha Amerika.

Hay’ada qaxootiga aduunka ee UNHCR ayaa sheegtay in tan iyo bishii December ee 2016 ay Mareykanka geysay qaxooti ka badan 1,200 oo qof.

Dowladda Australia wali kama aysan hadlin qaxootigan cusub ee laga qaaday jasiirada Manus.