Qoorqoor oo Muqdisho kulan kula yeeshay Madaxda Madasha Xisbiyada

68

Muqdisho – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Xarunta Madasha Xisbiyada Qaran kulan kula qaatay Madaxweynayaashi hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka dhexmaray Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynayaashii hore ayaa la sheegay inuu ahaa afur iyo is xog wareysi. Macadda ajendaha rasmiga ah ay ka wadahadleen balse waxa ay u badan tahay in ay ka wadahadaleen loolanka loogu jiro cidda noqonaysa Ra’iisul Wasaare cusub.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda kulamo iyo olole ku aadan cidda Ra’iisul Wasaaraha noqonaysa kaddib markii toddobaadkii hore Baarlamaanka Soomaaliya ay codka kalsoonida kala noqdeen Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

SHARE