Qoorqoor oo la kulmay wafdi uu hoggaaminayay Wakiilka QM ee Soomaaliya

592

Dhuusamareeb – Waxaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug wafdi uu hoggaaminayay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan.

Wafdiga uu hoggaaminayey Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ay ku wehliyeen qaar kamid ah Wakiiladda beesha caalamka sida, Midowga Yurub Nicole Miller, Midowga Afrika Francico Madeira, iyo IGAD Jamal Ahmed ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sheegay in Qodobada ugu waaweynaa aan ka wada hadleen wafdiga Qaramada Midoobay ay ka mid ahaayeen arrimaha Doorashooyinka Qaranka iyo hubinta qoondada haweenka, Amniga, xiriirka.

Shirka ayaa sido kale looga hadlay wadashaqeynta dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo arrimaha gargaarka sida dhibaatada Ayaxu ku hayo deegaanada Galmudug iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Kulan ayaa looga hadlay arrimaha Doorashooyinka, amniga iyo xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga dowladda Federaalka iyo dowladaha Xubnaha ka ah.

Kulanka ayaa waxa sidoo kale ka qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo mid ah Wasiirrada.