Dhuusamareeb: Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo dhawaanahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa dib ugu soo laabtay magaalo madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb.
Wafiga Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur si diiran ugu soo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, xubno ka tirsan labada gole DGM, maamulka caasimadda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweyne Qoorqoor oo Muqdisho ku sugnaa toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa intii uu ka maqnaa Galmudug waxaa ka dhacay deegno hoosta caasimadda Dhuusamareeb ee Galmudug dagaalo u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo Al Shabaab. Sidoo kale Siyaasiyiinta ka soo jeeda Galmudug ayaa aad ugu dhaliilay hogaanka Madaxweyne Qoorqoor ee ku aadan wax ka qabasha la’aanta dagaalo beleedyo soo noqnoqday oo deegaanada Galmudug ka dhacay.