Qoor-Qoor oo loo doortay Madaxweynaha cusub ee Galmudug

1149

Dhuusamareeb – Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa loo doortay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug doorasho maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb. Waxaa uu helay 66 cod sida uu shaaciyay Guddoonka Baarlamaanka Galmudug. Waxaa doorshada madaxtinimo kula tartamay dhawr musharax oo kale balse codadka ugu badan ayuu ku guulaystay.

Waxaa sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug loo doortay Cali Daahir Ciid. Waxaa sidoo kale aad loogu tartamay jagada madaxweyne ku xigeenka oo

Isla toddobaadkaan, magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo waxaa kala dhacay labo doorasho oo Madaxweynaha Galmudug loogu kala doortay Sheikh Maxamed Shaakir iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

War qoraal oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa madaxweyne Farmaajo ugu Hambalyay Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Qoor-Qoor iyo ku xigeenkiisa.