Muqdisho – Waxaa goor dhow la soo gabagabeeyay shirkii Wadatashiga Musharaxiinta Madaxtinnimada Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo laga soo saaray War-Murtiyeedka ka kooban 18 qodob.
Musharaxiinta mucaraadka ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo inuu jabiyey sharciyada iyo xeerarka ka mamnuucaya shaqaalaha rayidka ah iyo ciidanka qaranka in ay hawl wadeen ka noqdaan doorashooyinka, kuna soo daray guddiyada doorashooyinka
ee labada heer xubno ka tirsan Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka,
shaqaalaha maamulka iyo maamuuska madaxtooyada iyo weliba taageerayaashiisa.
Warmurtiyeedkii laga soo saaray shirka Musharraxiinta mucaaradka ayaa sidoo kale ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu ku takri falay awooddii dowladnimo, dhaawacayna kalsoonidii iyo aaminaaddii shacabka, si bareer ahna u musuqmaasuqayo hawlaha doorashooyinka Baarlamaanka iyo madaxtinnimada federaalka, taasoo dalka u horsoodeysa qalalaase iyo xasillooni darri siyaasadeed.
Golaha Musharaxiinta Mucaaradka ayaa ku baaqay in la kala diro dhammaan guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal iyo Dowlad Goboleedba, guddiyadana lagu soo magacaabo wadatashi iyo wadar- ogol dhinacyada ay qusayso maamulka doorashada ee kala ah Dowladda Federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo Golaha Midowga Murashaxiinta, maadaama aan magacaabistooda la waafajin shuruudihii iyo.
Waxa ay sidoo kale soo jeediyeen in Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, haatanna ka mid ah hoggaanka ugu
sarreeya ee dalka isla markaasna ka soo jeeda Goboliada Waqooyi uu
sharciyad buuxda u haysto in uu magacaabo xubnaha gobolladaas ku
metelaya Guddiyada Doorashada iyo Xallinta Khilaafaadka ee labada Heer ee
Federaal Wuxuu kaloo Goluhu dalbanayaa in doorashada xubnaha Baarlamaanka ee ka soo jeeda Somaliland lagu qabto Teendhada Ciidamada Cirka ee Afisyoone, iyadoo ay goobjoog ahaanayaan wakiillo ka socda Murashaxlinta, beesha caalamka, Booliska Soomaaliyeed lyo kan AMISOM.
Waxaa sidoo kale loogu baaqay Dowladda Federaalka ah in ay si deg deg ah ugala soo laabato maamulka sharci darida iyo ciidamada ay geysay Gobolka Gedo, si loo ilaayo midnimada Dowlad Goboleedka Jubbaland, si maamulkana dib ula wareego deegaanka, si ay ugu suuragasho qabashada doorashada xubnaha Baarlamaanka Federaalka ah ee deegaankaas sida ku xusan heshiiska doorashooyinka.
Golaha musharaxiinta taliyaha Hey’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa loogu baaqay iuu banneeyo xilka
hoggaanka NISA, maadaama uu yahay madaxa ololaha dib-u-doorashada
murashaxa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo sugo dhex-dhexaadnimada hay’adda NISA.
Shirkaan oo socda 6 maalin ayaa musharraxiintu waxa ay kulammo wadatashi iyo xog-wareysi xaaladda uu dalku marayo, gaar ahaan marxaladda kala guurka siyaasadeed la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada sida, ganacsatada,
odayaasha dhaqanka, ururrada bulshada rayidka ah, culimada, haweenka,
Dhallinyarada iyo warbaahinta madaxa bannaan.
Waxaa kale oo ay musharaxuintu kulamo fool ka fool ah iyo kuwo khadka taleefanka iyo aalada fogaan araga la yeeshay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, madaxda dowlad Goboleedyada iyo beesha Caalamka.
Hoos ka akhriso Warmurtiyeedka ay soo saareen Musharaxiinta Mucaaradka: