Xubnaha Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ugu awoodda badan baaqay dhinacyada ku dagaallamaya dalka Libya inay joojiyaan dagaalada kadib markii weerar loo gaystay xarun lagu hayo dadka muhaajiriinta ah iyo qaxootiga ee u dhow caasimadda Tripoli.
“Xubnaha Golaha Ammaanka waxay ku nuuxnuuxsadeen baahida loo qabo dhinacyada oo dhan in ay si deg-deg ah u xalliyaan xaaladda iyo in ay sameeyaan xabbad joojin,” ayuu yiri ayaa lagu yiri war-murtiyeedka Jimcihii ka soo baxay 15-ka xubnood oo ka mid ah Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.
“Nabadgelyada iyo xasilloonida ka jirta Liibiya waxay ku imaan kartaa kaliya xal siyaasadeed.”
Qaramada Midoobay ugu awood badan ayaa sidoo kale ugu baaqday dhinacyada ku lugta leh inay si deg deg ah dib ugu noqdaan wadahadalada siyaasadeed ee Qaramada Midoobey, waxayna ku boorrisay waddamada kale inayan faragelinin ama ay sii xumeeyaan colaadaha Liibiya, taas oo ka soo oo ay hareeyeen fowdo tan iyo xukunka laga tuuray Muammar Gaddafi sanadkii 2011.
War saxaafadeedka Golaha Ammaanka ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee ay ansixiyaan dhammaan 15 xubnood tan iyo markii hoggaamiyiha isbaheysiga Libiya, Khalifa Haftar, uu billaabay bishii Abrii uu weerar ku qaaday caasimadda Libya si uu uga saaro ciidamada daacad u ah Dowladda Federaalka Qaranka ee Qaramada Midoobay aqoonsan tahay.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarkii habeenkii Talaadada lagu qaaday xarunta muhaajiriinta ee Tajoura, taas oo goluhu sheegay in ay ku dhinteen 53 qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 130 kale. Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka ayaa sheegtay Jimcihii in lix carruur ah ay ku jiraan dad lagu dilay weerarka duqeynta ahaa.